Baarlamaanka Puntland oo maanta yeelanaya kulan muhiim ah

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya kulamadoodii caadiga ahaa, kaddib Saddex maalmood oo fasax ay ku jiraan.

Xildhibaanada ayaa 3 maalmood ee lasoo dhaafay ku maqnaa soo Akhrinta Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland oo loo qeybiyay Arbacadii tagtay, iyagoona maanta bilaabaya ka doodista Xeerkan oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.