Baashe C/llaahi oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Garoowe (VIDEO)

Baashe Cabdullaahi Maxamuud Aw-Cismaan, oo kamid ah Isimada deegaanada Puntland ahna Baashaha Beesha Reer Cumar, ayaa lagu soo dhaweeyay magaalada Garoowe, kaddib markii uu kasoo kicitimay Dalka Imaaraadka carabta oo fadhi u ahaa dhowaanahan.

Baashe Cabdullaahi ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Garoowe kusoo dhaweeyey Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilladda Puntland, Ku-simaha Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Puntland, Xeer Ilaaliyaha Guud ee Puntland, Xildhibaano, Maamulka Gobalka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Caasimadda.