Guddoomiyaha Gobalka Bari oo lagu soo dhaweeyay Boosaaso (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobalka Bari Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta lagu soo dhaweeyay Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, waxaana soo dhaweyntiisa ka qeybgalay Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Ee Gobolka Bari, Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari, Duqa Degmada Boosaaso, Isimo, Waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Boosaaso.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa Dhammaan Dadkii soo dhaweeyey uga mahadceliyey sida wanaagsan ay u soo dhaweeyen, Maamulka Gobolka Bari, Taliska ciidanka, Maamulka Magaaladda Bosaaso, iyo cid waliba oo ka qeyb qaadatay soo dhaweynta maanta.