Maxaa ka jira in Madaxweyne Deni iska diiday dalabkii Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ?

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdillaahi Deni, oo dhowaan kulan kula yeeshay Magaalada Addis Ababa Ra’iisul Wasaaraha Dalka Itoobiya Abiy Ahmed, ayaa iska diiday dalab uga yimid Abiy oo ahaa in la heshiisiiyo Isaga iyo Farmaajo, sidoo kalena uu dhaqaale ku badasho taageerada Madaxweyne Farmaajo ee Doorashada soo socota.

Madaxweyne Deni ayaa iska diiday soo jeedin Abiy Ahmed, waxaana uu sheegay in Mowqifka Puntland ee ku aadan Arrimaha Doorashooyinka Dalka ay tahay mid cad oo u adeegaysa danta Bulshada kunool mandiqada, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Siyaasadda iyo dhaqaalaha, uusana ka tilaabi karin.

Sida uu Twitter-kiisa ku qoray Rashiid Cabdi oo degen Kenya oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, Madaxweyne Deni ayaa ka diiday Abiye Axmed soo jeedintaas, waxaana diyaarad gaar ah u soo dirtay dawladda UAE oo uu Rashiid Cabdi sheegay inay la yaabtay culayska ay Itoobiya saarayso Puntland.

“Imaaraadka Carabtu waxay si aad ah ula yaabeen culayska Puntland lagu saaray inay taageerto dib u doorashada Farmaajo. Raysalwasaare Abiye Axmed wuxuu toddobaadkii hore Addis Ababa ugu yeedhay Deni, isagoo si cad ugu sheegay ‘Waxaanu kaa doonaynaa inaad taageerto Farmaajo.’ Deni wuu diiday, diyaarad khaas ah oo uga timid UAE ayaa u qaaday Abu Dhabi.” ayuu bartiisa Twitterka ku daabacay Rashiid Cabdi.