Puntland oo kordhinaysa Aqoonta Garsoorayaasha Kubadda cagta ee deegaanadeeda (Sawirro)

Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Mudane Jaamac Faarax Muuse oo uu weheliyo agaasimaha guud Axmed Cabdalla Tigaana ayaa kulan la qaatay Macalimiinta tababaraaya Garsoorayaasha Puntland.

Kulan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Shaqada Shaqaalaha Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa waxaa goob joog ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka kuubada Cagta Soomaaliyaa Cabdilaahi Shiikh, Madaxda xiriirka Kuubada Cagta puntland, Macalimiin iyo Garsoorayaal.

Kulankan ayaa looga hadlay sida ugu haboon ee loo tababari karo Garsoorayaasha Puntland looguna samayn lahaa aqoon kororsi iyo siday ula mid noqon lahaayeen Garsoorayaasha Caalamka ee FIFA.

Ugu danbayntii Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Mudane Jaamac Faarax ayaa kula dardaarmay macalimiinta tababaraaya Garsoorayaasha inay uga faa’iideeyaan aqoontooda iyo waaya aragnimadooda Garsooranimo.