Tigreega oo riday diyaaradii labaad ee ay lee yihiin Ciidanka Abiy (VIDEO)

Debretsion Gebremichael, Mdaxweynaha Ismaamulka Tigray oo la hadlayay Wakaaladda Warar Reuters, ayaa sheegay in Ciidanka Abiy Ahmed aysan qabsan taako kamid ah dhulka Tigreega, balse Ciidankoodu ka saaray gudaha Deegaanka intii joogtay horey.

Sidoo kale, Debretsion Gebremichael inay u badan tahay in Guul taariikhi ah Tigreegu ka gaaraan dagaalka Abiy Ahmed, isagoona soo dhaweeyay dadaalada Beesha Caalamka ee ku aadan joojinta dagaalka waxaana uu yiri “Waxa wanaagsan in arrinta laga wadahadlo lana sameeyo iskudayga in Waanwaan iyo dhexdhexaadin”.

Wararka ka imaanaya Itoobiya ayaa sheegaya in Ciidammada Tigreega ay soo rideen diyaaradii labaad oo ay lee yihiin Ciidanka Abiy Ahmed, xilli ay duqeyn rabtay Saldhig ay Ciidammada Tigreegu ku lee yihiin duleedka Caasimadda Mekella.