Japan oo muddo kordhin u sameysay Ciidankeeda ku sugan Xeebaha Soomaaliya (Warbixin)

Sida ay Daabacday Wakaaladda Wararka Japan, muddo sanad ah ayaa loo cusbooneysiiyay Ciidamada badda dalkaas ee jooga Xeebaha Soomaaliya si ay ula dagaalamaan kooxaha burcad badeeda ah.

Sanad kordhintaan ayaa dhacday maanta oo Talaado ah, kadib markii howlgalka la dagaalanka Burcad Badeeda Japan la gaarsiisay Warqad kasoo baxday Golaha Wasiirada oo loo ogolaaday in sanad kale ay sii joogaan biyaha Caalamiga & Xeebaha Soomaaliya.

Wakaaladda Wararka u faafisa Japan ee loosoo gaabiyo NHK ayaa sheegtay in Golaha Wasiirada ay bogaadiyeen howlgalka ilaalinta Maraakiibta isticmaasha Biyaha Caalamka ee aan heysan ilaalada, kuwaas oo halis u gala in ay gacanta u galaan kooxaha burcadda.

Ciidamada ayaa lagu dhiirageliyay in ay ka feejignaadaan xaaladda halista ah ee Covid-19 oo saameyn taban ku yeeshay waddamada caalamka, maadaama ay la tacaamulayaan dad kala duwan inta ay ku howlan yihiin howlgalkooda.

Askarta Japan ayaa heysta Doomo dheereeya, Maraakiib lagu xiray hubka wax burburiya & diyaaradaha dagaalka oo meelo fog wax ka toogan kara, waana tan keentay in ciidamadaan ay joogteeyaan Roondada ay sameynayaan.

Sharciga ilaalinta Maraakiibta Ganacsiga & kuwa Dalxiiska ee aan heysan hubka culus oo ay isaga caabbin karaan burcadda weerarta si ay u afduubo ayaa soo baxay sanadkii 2009-kii, wixii xiligaas ka dambeeyay, Dowlado dhowr ah ayaa biyaha Caalamiga & Xeebaha Soomaaliya usoo diray Askar aad u hubeysan.

Muddo sanadeedka Ciidamada Badda Japan ayaa dhammaanaya Khamiista 12-ka November 2020, kahor labo cishe ayay sii heleen sanad dheeraad ah oo ay baaqi kusii ahaanayaan howlgalkooda ka dhanka ah Burcad Badeeda.

Isha:  NHK   /  Mustaqbal.