Puntland oo ka hadashay Shabakad kamid ah Al-Shabaab oo la qabtay (VIDEO)

Taliyaha Qeybta Gobolka Mudug Muumin Cabdi Shire, ayaa ka warbixinayay Shabakad katirsan Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab oo gaacanta ay ku dhigeen Ciidammada Amniga Dowladda Puntland, Taliye Muumin ayaa sheegay in Shabakadda la qabtay ay ku jiraan Laba Amiir.