Akhriso: Taariikh Nololeedka Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle.

Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ayaa u doortay Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), Madaxweynaha cusub ee 4 sanno ee soo socota Hoggaamin doona Hirshabelle.

Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe)

Waxa uu Dhashay 1974-tii

Waxa uu Ku dhashay Degmada Mahadaay ee G/Sh/Dhexe.

Waxbarashada.
Dugsiyada Hoose Dhexe iyo Sare Waxa uu kusoo qaatay Magaalada Jowhar.

Jaamacada.
Heerka Darajada Koowaad ee Jaamacada Somali International University

Xilalkii waxaa uu horay u soo noqday Madaxii Maaliyadda Maamulka Gobolka Shabeellaha Dhexe, Xilligii Maamulkii Maxamed Dheere 2001-2006.

Waxaa uu noqday Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Shabeellaha Dhexe xilligii dowladdii KMG aheyd sanadihii 2007-2009

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayuu soo ahaa sanadihii 2014 2016.

October 2016 ayaa loo doortay Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.