Galmudug oo ku eedeysay dagaal beeleedyada deegaanadeeda Al-Shabaab

Wasiirka Warfaafinta Dowlad Gobaleedka Galmudug Axmed Shire Falagle oo ka hadlay Dagaal Beeleedyada & dilalka aanooyinka ay amreen Al-Shabaab, sabab la xiriirta in ay ku wiiqaan awoodda Militari ee DFS iyo DG Galmudug.

Wasiir Falagle ayaa u digay Odoyaasha dhaqanka, Haweenka, Siyaasiyiinta, Ganacsatada & shaqsiyaadka kale ee ku lugta leh abaabulka, buun-buuninta iyo garab istaagga dagaal beeleedyada.

Wasiirka Warfaafinta Galmudug ayaa Hay’adaha Shaqada ku leh garsoorka & sirdoonka ku wargeliyay in ay dabagal ku sameeyaan shaqsiyaadkaan, laguna hubsado ilaa maxkamad si gacan adag loogu qabto.