Ma dhab baa inuu Madaxweyne Deni safar qarsoodi ah ku tagay MASAR ?

Madaxweyne Deni Todobaadkan bilowgiisii waxuu tagay Masar oo uu kula soo kulmay Sirdoonka Dalkaas masuuliyiin sare oo ka mid ah.

Maalin kadib waxuu kusoo laabtay Imaaraadka oo markii hore uu ka tagay.

Maanta waxuu soo gaaray Adis,waxuuna beri usoo gudbayaa Nayrobi oo ay ku sugayaan Madax Somaliyed iyo beesha caalamka sida wararku sheegayaan.

Nayrobi waxaa ka dhici doona kulan madaxda Somalida ah oo laga soo saari doono war ku saabsan Gudiyada doorashada.

Sida la filayo Sabtida waxuu kusoo aadan yahay Garowe oo ay ku dhawrayaan Dad fara badan,Baarlamaankii oo kacsan,Wasiiradii iyo Agaasimayaashii oo isu badalay Musharaxiin iyo Dulaaliin Xildhibaan.

Madaxweyne Deni guud ahaan safarkiisa iyo kulamadiisu waa qarsoodi mana jiro cid raacday marka laga reebo Wasiir Dhabancad Adis uga haray.

Cabdullaahi Dheere iyo Xagato oo Baratakoolka ka mid ahna looga tagay Adis-ababa Hotel ku yaala kadibna doraad dib ugu soo laabtay Puntland.

Jibril Qoobey.