Puntland oo dhameystirtay dhismaha Wadada Yalho – Kalabeyr (Sawirro)

Shirkadda dhismaha Wadada Ceeldaahir illaa Ceergaabo ayaa wada gaba-gabada calaamadinta Wadada weyn ee xiriirisa magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho, gaar ahaa Yalho-Kalabeyr, oo ay Shirkaddu dayactir ku sameysay kaddib markii ay burbur xooggan u geysteen Roobabkii u dambeeyay ee ka da’ay deegaanada Puntland.

Wadadan oo ay dhisayso Xukuumadda Puntland ayaysan jirin wax taageero Caalami ah ay ku bixiyeen Hay’adaha Beesha Caalamka, balse dhaqaalaha lagu dhisayo ayaa ah Canshuurta Dadweynaha Puntland.