Puntland oo ka hadashay Doorashada Madaxda cusub ee Hirshabelle

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa Hambalyo u diray Madaxweynaha cusub ee Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo ku-xigeenkiisa Yuusuf Axmed Hagar Dabageed, oo maanta ay doorteen Xildhibaanada Baarlamaanka Hirshabelle.