Ra’iisul Wasaarihii dalka Baxrayn oo geeryooday

Raysal Wasaarihii waddanka Baxrayn, Sh.Khaliifa Bin Salmaan Al Khaliifa ayaa ku geeryooday cisbitaal ku yaal Mareykanka, isaga oo 84 jir ah.

Wuxuu ahaa Raysal Wasaairhii ugu muddada dheeraa, isaga oo xilka hayey tan iyo intii dalkaasi qaatay xornimada, waana adeerka Boqorka dalkaas.