Shir looga hadlayay u adkaysiga Abaaraha Puntland oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta, Tamarta iyo Biyaha Dowladda Puntland Mudane Axmed Siciid Qolonbi, ayaa guddoomiyey Shir looga hadlayay u adkaysiga Abaaraha Puntland, kaas oo maanta ka furmay Xarunta Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalay Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Maxamed Cabdiqaadir Maxamed, Qaar ka mid ah Madaxda Hay’ada Save the Children, Madax ka socotay Bangiga Horumarinta Afrika, Shaqaalaha Iyo Engineerada Wakaaladda biyaha.

Mashruucan u adkaysiga Abaaraha ayaa waxaa Puntland ka taageeraya Bangiga Horumarinta Afrika waxaana fulintiisa Mashruucan is ka kaashanaya Hay’ada Save the Children iyo Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.