Wasiir Dhabancad “Lacag in naloo soo marsiiyo DFS ogalaan mayno” (VIDEO)

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dilmuquraadiyeynta Dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, oo ka hadlayay Daah-furka Barnaamijka Siyaasadda Waxbarashada Puntland ayaa sheegay in Puntland aysan yeeli doonin in lacagaha Hey’daha caalamka uga taageerayaan arrimaha Waxbarashada loo soo marsiiyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Dhabancad ayaa sheegay in Puntland ay heer sare ka gaartay Hanaanka Waxbarasho, oo ay la tartamayso caalamka, isagoona intaas ku daray in Wasaaradaha Waxbarashada DFS iyo Dowlad Gobaleedyada ay aqoon kororsi u yimaadaan Puntland.

“Siyaasadaha Wasaaradaha DFS iyo Maamullada waxaa laga xigtaa dowladda Puntland xata, markaa lacag in na loo soo marsiiyo u daba fadhiisan mayno DFS”. Wasiirka Arrimaha-Gudaha, Maxamed Dhaban-cad.