Baarlamaanka Puntland oo dood adag maanta yeeshay (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii 13-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha Wakiillada ayaa doodii labaad ka yeeshay Xeerka Isgaarsiinta Puntland, kaas oo 24 Qodob oo ka mid ah looga dooday kulanka maanta.

Qodobada ugu muhiimsan oo dooda adag ka dhaltay ayaa ka mid ahaa Tartanka suuqa xorta ah, si xun u isticmaalida awooda suuqa, Faafreebka, bixinta lambarada iyo kala-noqoshad ruqsadda.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland ayaa ka kooban 38 Qodob waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha, maadama uu la socon waayay horumarka deg degga ah ee ay ku talaabsanayso Isgaarsiinta casriga ah iyo is-bedelka khidmadaha.

Maalinta sabti oo taariikhda ku beegan tahay November 14, 2020 ayaa lagu wadaa in la soo gaba-gabeeyo xeerka Isgaarsiinta Puntland.