Ciidanka Amniga Karkaar oo gacanta ku dhigay Lacag gaaray 1 Bilyan oo Sh. Soomaaliya (VIDEO)

Ciidanka Amaanka Gobolka Karkaar ayaa habeenimadii xalay gacanta ku dhigay lacag ku dhaw 1 Bilyan oo shilin soomaali ah iyo gaarigi waday.

Lacagtaan ayaa laga soo qabtay deeganka Alxamdullilah oo ka tirsan degmada Waaciye ee Gobolka Karkaar, waxaana si sharci darro ah lagu galin lahaa magaalada Boosaso ee Gobolka Barri.

Guddomiyaha Gobolka Karkaar Mudane Siciid Maxamed Faahiye iyo Duqa degmada Qardho Cabdi Siciid Cismaan ayaa si wadajir ah ugu mahadceliyay ciidanka hawlgalkaan fulliyay, waxa ayna sheegen in dawladdu ay xakameyn doonto lacagaha kaashka ah ee dalka soo galaaya, si loo yareeyo cirir bararka lacagta shilinka Soomaliga ah oo mudooyinkii danbe shacabku si wayn uga cabanaayen.