Guddiga Hormarinta Gobalka Bari oo qodobo soo saaray (VIDEO)

Guddoomiyaha Gobolka Bari ahna Guddoomiyaha Guddiga Hormarinta Gobolka Mudane Cabdisamad Yuusuf Maxamed Abwaan, ayaa maanta shir-guddoomiyay Shirka Golaha Hormarinta Gobolka Bari, kaas looga hadlay bishan xaaladaha Amniga, Cafimaadka, u diyaar-garowga doorashooyinka, iyo dhismaha Garoonka kubadda cagta ee Boosaaso.

Shirkan ayaa waxa ka soo qeyb-galay dhammaan Guddiga Hormarinta Gobolka Bari, waxaana goobjoog ka ahaa shirka Wasiirka Wasaraadda Dakadaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Puntland Maxamed Cabdi Cismaan.

Shirka ayaa markii uu soo dhamaaday laga soo qodobo ku aadan Hormarinta Gobalka, waxaana ka warbixiyay Isu-duwaha Wasaraadda Shaqadda Iyo Shaqaalaha ee Gobalka Maxamed Cali Yuusuf.

Guddoomiye Cabdisamad Abwaan, ayaa waxa uu u mahadceliyey Dhammaan intii ka soo qeyb Gashay Shirka waxa uuna ku booriyay in ay Muhiim tahay in laga shaqeeyo Hormarka Gobolka Bari.