Karaash oo shaqo joojin ku sameeyay Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga (Akhriso)

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Kalluumausiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, kaddib markii ay Talaadadii isku dhex dagaaleen xarunta Wasaaradda.