WAR DEG DEG AH: Dagaal culus oo ka socda Gobalka Mudug

Wararka ka imaanaya Gobalka Mudug ayaa sheegay in dagaal culus oo u dhexeeya maleeshiyo beeleed uu ka socda Deegaanka Hol-dooyaale ee Koonfurta gobolka Mudug.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlayaa Deegaanka Hol-dooyaale, illaa iyo hadana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalka socda.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug, kaasi oo ku aadan in ay ka hadlaan dagaalka haatan socda.