XOG: Wasiirka Kalluumeysiga Puntlad oo Is-casilaya

Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland Eng Mohamud Hagi Salah, ayaa qorsheynaya inuu saacadaha soo socda ku dhawaaqo inuu iska-casilay xilka, sida ay Shabakadda Idil News u xaqiijiyeen xubno ka agdhow Wasiirka.

Is-casilaada Wasiirka Maxamuud Xaaji ayaa salka ku heysa khilaafka dhanka Maamulka shaqo iyo dhaqaale oo ka taagnaa Wasaaradda Kalluumeysiga muddo saddex bilood ah, taas oo u dhexeysa Wasiirka iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Cabdirisaaq Jaamac Aadan (Taraag), kaas oo ay xal u waayeen Madaxda sare ee Puntland.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu Madaxweynaha Dowladda Puntland iyo ku-xigeenkiisa u gudbiyay dacwad ka dhan ah Agaasimaha Guud, balse Madaxweyne Deni ayaa ku wargaliyay Wasiirka in cabashadiisa uu wax ka qaban doono marka uu jaanis u helo, maadama uu ku mashquulsanaa arrimaha Federaalka iyo Doorashooyinka.

Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa shaqo-joojin ku sameeyey Wasiirka Kalluumausiga iyo Kheyraadka Badda Dowladda Puntland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumeysiga, kaddib markii ay Talaadadii isku dhex dagaaleen xarunta Wasaaradda.