Tahriibayaal ku dhintay doon kula degtay xeebaha Liibiya

Ugu yaraan 74 tahriibayaal ah ayaa geeriyooday kadib markii doontii ay la socdeen oo cilladi ku timid ay ku degtay xeebaha dalka Liibiya sida ay Qaramada Midoobey sheegtay .

Hay’adda socdaalka adduunka ee IOM ayaa sheegtay in shaqaalaha gurmadka ay ku guuleysteen inay soo badbaadiyaan 47 qof oo la socday doonta qalibantay.

Liibiya ayaa ah inta badan marinka tahriibayaasha ka soo carary dalal badan oo Afrika u badan kuwaas doonaya inay gaaraan wadamada qaaradda Yurub, waxaana dadkaasi ay badda Mediterranean-ka kala kulmaan dhibaatooyin badan.

IOM ayaa sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof ay doomo kula dageen sanadkan, iyadoo 11,000 oo kale lagu celiyay Libya, halkaas oo ay sheegtay inay kala kulmaan xarig iyo xadgudubyo kale.

Maalintii Arbacadii Shan tahriibayaal ah ayaa dhintay halka 100 kalena la badbaadiyay kadib markii doontii ay la socdeen ay kula degtay xeebaha dalka Liibiya meel aan ka fogeyn jasiiradda Talyaaniga ee Lampedusa.