Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalada dalka Itoobiya

Hayadda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegyay inay xaqiijisay xasuuq ka dhacay gobolka Tigray ee dalka Itoobiya, kaasoo  lagu dilay dad badan oo ay suuragal tahay inay gaarayaan boqollaal ruux.

“Waxaan xaqiijinnay xasuuq loo geystay dad shacab ah oo aad u badan, kuwaasoo u muuqday inay yihiin dad magaalada ka xamaasha oo aan sinaba ugu lug lahayn howl-galka milatari ee socda. Tani waa musiibo naxdin leh oo inta ay la egtahay uu sheegi karo waqtiga oo kaliya maadaama adeeggii isgaarsiinta ee gobolka Tigray uu wali xiran yahay,” ayuu yiri Deprose Muchena, oo ah agaasimaha Amnesty International ee Bariga iyo Koonfurta Afrika.

Sarkaalka u hadlay hay’adda ayaa dalbaday in sida ugu dhakhsiyaha badan dib loogu fasaxo khadka isgaarsiinta ee deegaankaas.

Amnesty International ayaa sheegtay sawirro iyo muuqaallo laga soo qaaday meydad oo lasoo gaarsiiyay ay u adeegsatay qalabka satellite-ka ayna xaqiijisay in waqtigooda uu yahay 9-kii bishan November.

Goobta uu xasuuqaas ka dhacay ayey hayaddu ku sheegtay magaalada Mai-Kadra oo ku taalla dhinaca galbeed ee gobolka.

Dhinaca kale, Ra’isul Wasaaraha Ethiopia Abey Ahmed ayaa Khamiista maanta sheegay in milatariga dalkaasi ay qabsadeen galbeedka gobolka Tigray, kaddib todobaad uu halkaasi dagaal culus ku dhexmarayay ciidamada milatarifa dowladda federaalka iyo kuwa gobolka Tigray.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu Abey Ahmed ku yiri “Gobolka Galbeed ee Tigray waa la xoreeyay.” Wuxuu intaasi ku daray in ciidankiisa ay gargaar bani’aadannimo hadda u fidinayaan dadka rayidka ah.

Isgaarsiinta iyo warbaahinta oo loo diiday darteed, ayaanan la xaqiiqi karin sheegashada Ra’isul Wasaare Abey.

Hay’adaha gargaarka ee caalamiga ah ayaa sheegay, in dad ka badan 10 kun oo kasoo jeeda gobolka Tigray ay ka gudbeen xadka Itoobiya ay la wadaagto Sudan.