Baarlamaanka Puntland oo loo qeybiyay Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga

Xildhibaanadda Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa loo qeybiyey Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga oo ay soo gudbisay Golaha Xukumadda gaar ahaan Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hiddaha iyo Dhaqanka.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Puntland ayaa soo Akhrinaya Xeerkan maalmaha soo socda, iyagoona intaas kaddib ka yeelan doona dood, ugu dambeyna u qaadi doona codka kalsoonida.