Baarlamaanka Puntland oo ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Puntland (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo Xaruntooda Garoowe ku yeeshay maanta kulankoodii 13-aad ee Kalfadhigga 47-aad ee Golaha ayaa Ansixiyay Xeerka Isgaarsiinta Dowladda Puntland, kaas oo maalmihii u dambeeyay ay Mudanayaashu ka lahaayeen Dood adag.

Kulanka Xildhibaanada oo uu Shir-guddoomiyey Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland Mudane Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, ayaa waxaa soo xaadiray 38 Mudane, iyadoona 36 Xildhibaan ay u codeeyeen meelmarinta Xeerka Isgaarsiinta Puntland, halka uu diiday 1 Mudane, waxaana ka aamusay 1 Xildhibaan.

Xeerka Isgaarsiinta Puntland oo ka koobnaa 38 Qodob, ayna soo diyaarisay Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland ayaa lagu kordhiyey Qodobo muhiim ah oo ka hadlaya Iska hor-imaadka danaha isdiidan, shuruucda codsiga Ruqsada, Ganaax iyo Dhaqan-gal waxa uuna bedeli doona xeer sharci Lr. 15 ee 17-12-2007 kuna saabsanaa Isgaarsiinta iyo Khidmadaha.