Ethopia: Wararkii u dambeeyay ee Gantaalo lagu garaacay Bahra daar & Gonder

Laba magaalo oo ka tirsan gobolka Amxaarada ee Ethiopia ayaa gelinkii danbe ee Jimcaha gantaalo lagu garaacay, dowladda Ethiopia ayaa xaqiijisay maanta oo Sabti ah.

“Gantaal ayaa loo riday dhanka magaalooyinka Bahir Dar & Gonder. Natiijada ayaa ah in aagagga garoonnada diyaaradaha ay soo gaareen burbur,” ayaa lagu yiri bayaanka dowladda.

Mid ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay garoonka diyaaradaha ee magaalada Gondar qayb ahaanna wuu burburiyay ayuu yiri Awoke Worku, oo ah afhayeenka aaga bartamaha magaalada Gonder. Gantaalka labaad ayaa isna ku dhacay meel ka baxsan garoonka diyaaradaha ee magaalada Bahir Dar.

Dawladda ayaa weerarkan ku eedeysay xisbiga talada haya ee Tigray, Tigray People’s Liberation Front (TPLF).

“Taliska TPLF wuxuu adeegsanayaa hubkii ugu dambeeyay ee gacantiisa ku jira,” sidaasi waxaa bartooda Twitter-ka ku qoray ciidanka gurmadka degdegga ah ee dowladda..

Debretsion Gebremichael, oo ah Gudoomiyaha TPLF iyo madaxweynaha gobolka ayaa sheegay in garoomada diyaaradaha ay yihiin bartilmaameedyo sax ah.

“Garoon diyaaradeed kasta oo laga weeraro Tigray wuxuu noqon doonaa bartilmaameed sharci ah, ma ahan magaalooyinka Amxaarada,” ayuu ku yiri farriin qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee Reuters.

Ciidanka Ethiopia ayaa muddo ka badan toddobaad dagaal kula jira xoogagga maxalliga ah ee gobolka Tigray ee waqooyiga Ethiopia.

Boqolaal qof ayaa lagu dilay dagaalka tan iyo 4-tii November oo uu Ra’iisul-wasaare Abiy Axmed u diray ciidanka difaaca qaranka in ay howlgallo ka fuliyaan gobolka Tigray, ka dib markii uu ku eedeeyay ciidamada gobolkaasi in ay weerareen saldhig militari.

Dad ka badan 14,500 oo qof oo Ethiopian ah ayaa u qaxay dalka Sudan, waxayna hay’ada qaxootiga u qaabilsan QM sheegtay in dad badan oo kale ay ku sii socdaan dalkaasi.

Jimcihii, Wakiilka Sare ee QM ee xuquuqul insaanka, Michelle Bachelet, ayaa muujisay qeylo dhaan ku aadan xaaladda sida degdegga ah uga sii daraysa ee gobolka Tigray.

Afhayeenkeeda, Rupert Colville, ayaa sheegay in Bachelet ay si gaar ah uga xanuunsatay warbixin ay soo saartay Amnesty International oo la xiriirta dilal wadareedyo la sheegay in ay ka dheceen deegaanka Mai-Kadra ee koonfur-galbeed gobolka Tigray.

Amnesty ayaa sheegtay in sawirada iyo muuqaallada laga helay goobtaasi ay muujinayaan boqolaal qof oo si xun loo dilay. Waxa ay sheegaysaa in dhibbaneyaashu ay u muuqdeen in ay ahaayeen xoogsato aan lug ku lahayn howlgallada militariga.

Colville ayaa sheegay in wakiilka sare ay ka walaacsan tahay cawaaqib xumada ka dhalan karta hadii maamulka Tigray iyo dowladda Ethiopia ay u hogaansami waayaan digniinteeda. Waxa uu sheegay in haddii dagaalku sii socdo ay Bachelet ka baqayso in colaaddu ay si fudud ugu fiddo meelo ka baxsan xudduudaha, taasi oo suuragal ka dhigaysa xasillooni-darrada qaybo ka mid ah Bariga Africa.

VOA