Farmaajo oo xilal muhiim ah u magacaabay dhalinyaro Facebook ka ammaanta

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u magacaabay Cabdulqaadir Maxamed Maxamuud Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir, ahna Kuxigeenka 1-aad ee Guddoomiyaha Gobolka iyo Duqa magaalada Muqdisho, halka Cali Cabdi Wardheere loo magacaabay Ku Xigeenka Amniga iyo Siyaasadda.

Sidoo kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa Faarax Cabdi Diini u magacaabay Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Gobolka Banaadir, halka Xiireey Axmed Rooble uu u magacaabay Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Kuxigeenka cusub ee Amniga iyo Siyaasadda Gobalka Banaadir Cali Cabdi Wardheere oo loo yaqaano Cali Yare ayaa kamid ahaa u Ololeeyihiisii Baraha bulshada iyo banaan baxyada, waxaana uu caan ku yahay Aflagaada aan loo meel dayin ee uu kula kaco Madaxdii hore ee Qaranka iyo Siyaasiyiinta kale ee diidan Siyaasadda Farmaajo.

Is bedelka uu Madaxweyne Farmaajo ku sameeyay Gobolka Banaadir ayaa waxay saameysay Labo Guddoomiye Kuxigeen oo muddo lix bilood xilka hayay, kuwaasoo kala ahaa Axmed Iimaan oo ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Maaliyadda iyo Cumar Cali Cabdi oo ahaa Kuxigeenka howlaha Guud.