Hoggaamiyayaasha Tigreega oo sheegay inay weerari doonaan Eritrea

Hoggaamiyayaasha gobolka Tigray-ga ayaa ku hanjabay inay weerari doonaan Eritrea, ayaga oo sidoo kale sheegay inay weeraro ku qaadeen garoomo diyaaradeed oo ku yaalla gobolka Amxaarada.

Weerarada lagu qaaday garoomada – iyo hanjabaad la xiriirta kuwa kale oo dheeri ah inay qaadi doonaan ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo in dagaalka uu saameeyo gobolka oo dhan, Weerarada oo dhacay habeenkii Jimcaha ayaa lala beegsaday labada magaalo ee Bahir Dar iyo Gondar ee gobolka Amxaarada oo deris la ah kan Tigray-ga.

Dowladda federaalka Ethiopia ayaa qiratay in garoomada diyaaradeed ay gaareen waxyeelooyin, halka dhaqtar ku sugan magaalada Gondar uu sheegay in laba askari lagu dilay 15 kalena lagu dhaawacay.“Xalay, waxaan waxyeello xun gaarsiinay goobo militari oo ku yaalla garoomada diyaaradaha Gonadr iyo Bahir Dar,” waxaa sidaas yiri Getachew Reda oo ah xubin sare oo ka tirsan ururka TPLF ee Tigray-ga oo maanta bayaan soo saaray.Getachew ayaa ku hanjabay in TPLF aysan ka laba labeyn doonin inay weerarto goobo ku yaalla gudaha Eritrea, oo ay ku jirto caasimadda Asmara.“Haddii ay weerar nooga soo qaadaan Asmara ama Bahir Dar, waxaa naga go’an inaan qaadno tallaabooyin aargudasho ah. Waxaan gantaallo la beegsan doonnaa goobo cayiman, oo dheeri ku ah garoomada diyaaradaha,” ayuu yiri Getachew Reda.Waxaan weerar gantaallo ah ku qaadi doonnaa magaalada Asmara iyo Massawa, si aan u fashilino dhaq-dhaqaaqyada militari.”