Lafta-gareen oo kulan sagootin ah loogu sameeyay Turkiga (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa ka qeybgalay Xaflad isugu jirtay Cash sharaf iyo Sogootin ay usameeyeen Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada Koonfur Galbeed ee ku nool Dalka Turkia gaar ahaan Magaalada Istanbuul.

Madaxweynaha ayaa Jaaliyada Soomaaliyeed uga mahadceliyey Xaflada ay usameeyeen waxaana uu Warbixin ka siiyey Xaalada Deeganada Koonfur Galbeed iyo Guulaha Lagu Tilaabsaday Dhinacyada Amniga,Dhaqaalaha,Dib-udhiska,Hormarinta Waxbarashada,Cafimadka,iyo Taabigelinta kaabayaasha Dhaqaalaha, Madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa sidoo kale Jaaliyada ku Bogaadiyey inay maal gashadaan Deeganada si ay qeyb uga qaaatan Hormarka haatan Dalka uu ku Tilaabsaday.

Kulankan ka dhacay Magaalada Istanbuul ayaa ahaa Mid ay so qaban qabiyeen Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Turkiga Islamarkaana ay kuso dhoweynayeen Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo Maalmahan ku sugan Magaalada Istanbuul ee Dalka Turkiya.