Masar iyo Sudan oo dhoola-tus Milateri wada sameynaya

Dowladaha Masar iyo Sudan ayaa lagu soo Waramayaa iney dhoolatus Milatari oo Cirka ah si Wadajir ah ugu qabanayaan Wadanka Sudan.

Dhoolatuskan Milatari oo la sheegay inuu soconayo mudo labo Todobaad ah ayaa ka dhacaya Saldhiga Cirka ee Merowe Air Base ee Sudan, waxaana Halkaasi gaadhay Diyaaradaha Dagaalka Masar.

Waana dhoolatuskii koobaad ee Ciidamada Cirka labada Wadan si Wadajir ah u qabanayaan tan iyo Markii ay horaantii Bishan kala Sexeexdeen Heshiis Iskaashi Milatari oo iskugu jira dhinacyada Cirka, Dhulka iyo Badda oo lagu difaacayo danaha Labada Wadan.

Dhoolatuskan ayaa kusoo beegmaya xili Todobaadadii lasoo dhaafay lagu kala kacay Wadahadaladii udhexeeyay Wadamada Masar, Itoobiya iyo Suudan ee la doonayay in lagu soo afjaro Khilaafka muranka mudada dheer jiitamaya ee biyo Xidheenka Itoobiya ee Abay