Al-Shabaab oo sheegtay inay ka jartay Dhuusamareeb & Guriceel

War kasoo baxay Kooxda AlShabaab oo xiriirka dhaw la leh Ururka Alqaacidda ayaa lagu sheegay iney la wareegeen deegaanka Ceeldheere oo ku yaalla Inta dhaxeysa Magaalooyinka Guriceel Iyo Dhuusamareeb gaar ahaan Caasimada Galmudug.

AlShabaab ayaa sheegay iney hada gacanta ku hayaan deegaankaasi oo horay howlgalo uga fuliyeen Ciidamo katirsan kuwa Xoogga Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug.

Wali wax war ah kama soo bixin hogaanka Ciidanka Xoogga ee Jooga Gobalkaasi iyo Mas’uuliyiinka Maamulka Galmudug oo looga hadlayo dhaq dhaqaaqa ay wadaan Kooxdan.