Booliska Puntland oo howlgal ka bilaabay duleedka Boosaaso (Sawirro)

Ciidanka Booliska Gobalka Bari ayaa bilaabay howlgallo lagu xoojinayo Amniga Gobalka, iyagoona baaris ka sameeyay dhulka Buuraleyda ah ee u dhexeeya Magaalooyinka Boosaaso iyo Carmo.

Sidoo kale, Ciidanka Booliska ayaa hubinaya Gaadiidka galaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland, oo dhowaan marti-galinaysa doorashada kuraas kamid ah Golaha Shacabka BJFS.

Taliyaha Qeybta Booliska Gobalka Bari G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa ugu baaqay Shacabka inay kala shaqeeyaan Ciidanka xoojinta Amniga.