Lafta-gareen oo dib ugu soo laabtay Muqdisho (VIDEO)

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Dalka Dib ugu so laabtay ka dib Safar maalmo qaatay oo ugu maqnaa Dalka Turkey.

Lafta-gareen ayaa dalka Turkiga uga soo qeyb-galay kulamo qarsoodi ah oo ay abaabuleen Sirdoonka Dalka Qatar, kuwaas oo ay qeyb ka ahaayeen QoorQoor-ka hoggaansha Galmudug, Xasan Cali Kheyre iyo xubno kale oo ku dhow Villa Soomaaliya, loogana hadlayayarrimaha doorashooyinka Soomaaliya.