Puntland oo ka hadashay geerida Dr. Rooble

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Jamac Farax Xasan oo ku hadlaya magaciisa, kan wasaaradda ayaa ka tacsiyeeyay geerida Dr Ismaciil Ciise Rooble (Dr Rooble).

Wasiirka ayaa xusay in wasaaradda caafimaadka ay ogsoontahay kaalintii muhiimka ahayd ee Dr Rooble kaga jiray caafimaadka, waxaana uu Alle SWC u waydiiyey inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo marxuumka, samir iyo iimaanna Alle kasiiyo dhammaan ummadda Muslimiinta, gaar ahaan Reer Puntland,eheladii, qaraabadii, qoyskii iyo asxaabtii, uu ka baxay marxuumku.