Doon Kalluumeysi oo kusoo caaridday xeebaha Puntland

Doon kalluumeysi oo laga lee yahay Dalka Yemen ayaa kusoo caaridday xeebaha Degmada Gumbax ee Gobalka Gardafuu, kaddib markii ay ku timid cillad dhanka matoorka ah.

Doontan ayaa xilliga ay soo caarinaysay ku sii jeeday Degmada Xaafuun, waxaana la socday 5 Shaqaale ah oo kasoo jeeda dalka Yemen, sida uu sheegay Guddoomiyaha Degmada Gumbax ee Gobalka Gardafuu Mudane Maxamuud Axmed Muuse.

Guddoomiye Maxamuud ayaa sheegay inay socdaan dadaalo dib loogu celinayo Badda Doonidan, taa oo u kireysan Shirkad Kalluumeysi oo ku taal Degmada Xaafuun.