Maxaa looga hadlayo kulanka maanta ee Golaha Shacabka BJFS ?

Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta oo Isniin ah kuna beegan 16-ka November 2020 waxa ay yeelanaya kulankoodii caadiga ahaa, iyagoona ka wada-hadlaya saddex ajende sida ku cad fariinta loo diray Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya.

Qodobada maanta horyaalla Golaha Shaabka waxa ay kala yihiin:

1-U codeynta Xubnaha Guddiga Adeega garsoorka, xili ururka Qareennada Soomaaliyeed uu ku baaqay in uusan golohu ansixin, maadaama si sharciga baalmarsan ay ku magacaawday Xukuumaddii Xil-gaarsiinta 30/7/2020.

2-U codeynta xubnaha Guddiga la dagaalanka Musuq-maasuqa oo loo gudbiyay golaha shacabka si xubnahaan oo shaqadoodu tahay la dagaalanka is daba mareynta ay u shaqo galaan.

3-Aqrinta 3aad ee Hindise sharciyeedka Nootaayooyinka Soomaaliya & u codeynta, maadaama sida uu dhigayo habraaca Golaha Shacabka ee aqrin marinta Xeerarka loo gudbiyo.

Ururka ay ku mideysan yihiin Qareennada Soomaaliyeed ayaa sheegay in magacaabistaas Khilaafsan tahay Dastuurka iyo Shuruucda kale ee dalka iyo Qodobka 6-aad ee sharciga dhisidda golaha adeegga garsoorka sharci Lr 28 soona baxay 8/7/2014.