Uganda oo dhex dhexaadinaysa Abiy Ahmed iyo Tigreega (Sawirro)

Madaxweynaha Dalka Uganda Yoweri Kaguta Museveni, ayaa bilaabay olale lagu soo afjarayo colaada Dalka Itoobiya ee u dhexeeysa Xukuumadda Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed Ali iyo Ismaamulka Tigreega, kaas oo galay todobaadkii 2-aad.

Madaxweyne Museveni ayaa kulan kula yeeshay Magaalada Kampala Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Dalka Itoobiya ahna Wasiirka Arrimaha Dibedda Demeke Mekonnen Hassen, iyagoona ka wada-hadlay arimaha nabada iyo amaanka ee saameynaya itoobiya xiligan, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxweyne Museveni.

Yoweri Museveni, Madaxweynaha Uganda ayaa intaas ku daray “Dagaal ka dhaca Itoobiya wuxuu qaaradda oo dhan siin doonaa sawir xun. Dhibaatada Afrika haysata ayaa ah in aanaan waligeen ka wada hadlin fikirka, anaga oo xooga saareyna diblomaasiyadda.”