XOG: Kheyre iyo dulaaliin ka soo jeeda Puntland oo kulan ku leh Turkiga

Dhawr dhalinyaro ah oo gacan yarayaal u ah horboodayaasha kooxda hada awoodooda iyo saamaynta ay ku leeyihiin Madaxtooyada Puntland ay sii wiiqmayso ee Aaran-jaan,ayaa Turkiga jooga.

Maxamuud Shido,Cali Gaab iyo Xasan Shire waxay tagi doonaan Turkiga sida ilo kala duwan ii xaqiijiyeen.

Ujeedka Ragaas waa in ay la kulmaan Khayre oo ay rabaan in ay Wakiil uga noqdaan dhanka Puntland soo saarista Xildhibaanada.

Aaran-jaan waxay ciyaarayaan laba Kaar oo kala ah…

1.Hadii Khayre guulaysto RW awood qaybsiga ha idin siiyo.

2.Haduu guuldaraystana ka hela Kacag iyo Xildhibaano aad soo saarateen.

Madaxweyne Deni waa ka diiday qorshahooda dulaalnimo sida xogo la hubo xaqiijinayaan.

Khayre waxa ugu weyn ee lagu tuhmayo waa dhaqaale uu lunsaday xiligii uu Xaafiiska RW joogay.

Jibril Qoobey.