Aqoon isweydaarsi u dhexeeya Puntland iyo Koonfur Galbeed oo ka socda Garoowe (Sawirro)

Agaasima Guud ee Wasaaradda Qorshanyta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo iskaashiga Caalamiga ah Sharmaake Xasan Cali Ayaa saaka Ka qayb galay Aqoos is waydaarsi u dhexeeya Wasaaraddaha Qorshaynta Puntland iyo koonfur galbeed aqoon Gaar ahaan Waaxyaha Korjoogtayna iyo Qiimaynta (ME) ee Labada wasaaradood.

Aqoon is Waydaarsiga ayaa Daarna Sidii Puntland uga Caawin Lahayd Koonfur Galbeed Wixii Khibrada ee ay dheeratahay Mudadii 22 sano ahaa ee ay Jirtay Puntland Aqoon is waydaarsigan ayaa Socon doona ilaa khamista iyadoo waax walba la kulmi doonto dhigeeda .

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta Sharmaake Xasan Cali Ayaa uga war Bixiyey dhigiisa Qorshaynta Koonfur galbeed Sida waax walba u shaqaysto Sido Kalana uga war Bixiyey Siyaasadaha u yaala iyo Guulaha ay so gaadhen .

Agaasimaha Guud ee Wasarada Qorshaynta Koonfur galbeed Mudane Isaaq oo ka Hadlayey aqoon is waydaarsiga Labada wasaaradood ayaa Isna Ka war bixiyey qaabka Wasaradiisu u shaqayso iyo Heerka ay Hiigsanayaan.