Baarlamaanka Puntland oo bilaabay wada-tashiga Xeer ilaalinta Af-soomaaliga (Sawirro)

Guddiga Arrimaha Bulshada iyo Dhaqanka Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa kulan wada-tashi ah la qaatay Wasaaradda Waxbarashadda, Jaamacadaha, Aqoonyahanada iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulanka wada-tashida oo lagaga hadlayay Hindise-Xeereedka ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa dhinacyada oo dhan waxa ay si saraaxad leh qodob qodob ugu falan-qeeyeen Hindise-xeeraadkaas oo ku jira akhrintii labaad kaas oo hor-yaala Golaha Wakiillada si ay aqoontooda iyo khibradooda ugu biiriyaan.