DFS oo sheegtay inay gacanta ku dhigtay xubno katirsan Al-Shabaab

War kasoo baxay ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee DANAB ayaa lagu faah-faahiyay howlgal dhacay marar kala duwan oo lagu qabtay xubno katirsan oo u kala qaabilsanaa Gobollada Shabeelooyinka & Hiiraan oo ka kala tirsan Dowlad Goboleedyada Koofur Galbeed & Hir-Shabeelle.

Ugu horeyn warka kasoo baxay DANAB ayaa lagu sheegay in howlgalka lagu burburiyay Saldhigyo Al-Shabaab ay ku lahaayeen Gobolladaas, halka gacanta lagu dhigay saraakiil kala darajo duwan.

DFS ayaa soo bandhigtay magacyada xubnaha & waxyaabaha ay u qaabilsan yihiin waxaana kamid ah: Madaxa Maaliyadda Gobolka Hiiraan Xasan Yuusuf  Cali, Madaxa Maktabka waxbarashada Dumarka ee Deegaanka Ceel cade oo lagu magacaabo Cali Cabdulle Jilacow & Madaxa Sakawaadka ee Gobolada Shabelooyinka Cabdullahi isxaaq Xuseen.

Taliyaha ururka 4-aad ee Kumaandooska DANAB Labo Xidigle Maxamed Saleebaan oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in askarta howlgalka fulisay ay ku guuleysteen ujeedka ay ka lahaayeen howlgalkooda.

Muddooyinkii dambe, howlgallada Ciidamada DANAB ayaa joogto ka noqday Gobollada Shabeelaha Hoose, Shabeelaha Dhexe & Hiiraan, halka mararka qaar Jubada hoose ay ka sameynayeen baaritaanno kala duwan.

Dhanka Al-Shabaab wali kama aysan hadlin sheegashada Dowladda Federaalka ee ah in ay gacanta ku dhigtay saddex sarkaal oo xafiisyo kala duwan u qaabilsan & saldhigyada laga burburiyay.