Karaash oo la kulmay Wafti ka socda Koonfur Galbeed (VIDEO)

Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Qasriga Madaxtooyada ku qaabilay Wafdi ka socda Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Wafdigan oo isugu jira Agaasimeyaal, la taliyeyaal iyo xubno farsamo, ayaa Garoowe kaga qeybgalay Shirka iskaashiga Puntland iyo Koonfur Galbeed, kaasi oo la isku weydaarsanayo khibradaha shaqo iyo habka maamul ee Hay’addaha Dowladda.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Agaasime Ku-xigeenka guud ee Madaxtooyada Mudane Cabdiweli Timacade iyo qaar ka mid ah Agaasimeyaasha Wasaaraddaha Puntland oo ay isku shaqo yihiin Agaasimeyaasha ka socda Koonfur Galbeed.