VIDEO: 6 Ruux oo ku geeryootay Qarax ka dhacay Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah oo galaafta nolasha 6 Ruux oo uu ku jiro qofkii fuliyay, ayaa maanta ka dhacay maqaaxi ku dhow Dugsiga Tababar Ciidammada Booliska Dowladda Puntland ee Jenaraal Kaahiye ee Magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, Qaraxan ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof oo rayid ah, waxaana xilliga Qaruxu dhacay fadhiyay maqaaxida Dad Rayid ah iyo Boolis, sida uu Warbaahinta u xaqiijiyay Af-hayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sadiiq Aadan Cali.