Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS oo booqday Jibagale (Sawirro)

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Duraan Axmed Faarax, oo safar shaqo ku jooga Puntland ayaa maanta booqday deegaanka Jibagale ee duleedka Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, halkaa oo ay ka billaabatay diiwaangelinta Qoysaska uu Ayaxa saameeyay ee beeralayda ah, kuwaas oo taageero dhaqaale ay siinayso Hay’adda Cuntada Adduunka ee WFP.

Wasiir Duraan ayaa waxaa booqashada ku wehlinayay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland Hodan Siciid Xasan iyo Saraakiil ka socotay Hay’adda WFP, Iyagoona Warbixin ku aadan habka diwaan gelinta u socota iyo nooca ay yihiin dadka loo baahan yahay in la diiwaan gesho ka dhegaystay Gudoomiyaha Kaamka iyo Shaqaalaha diwaan-gellinta wada.

Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS iyo Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland oo Madasha hadalo kooban ka jeediyay ayaa  sheegay inay ka go’an tahay sidii dhaqso looga jawaabi lahaa xaaladaha deg degga ah oo Ayaxu ka mid yahay.