Axmed Madoobe oo ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaan ayaa ka tacsiyeeyay geerida Allaha u naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Carte Qaalib.

Qoraal Kooban oo lagu baahiyay barta Facebook ee Madaxtooyada Jubbaland ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa Tacsi u diray dhamaan umada Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay Alle ha u Naxariistee Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka  Marxuum Cumar Carte Qaalib.”

AUN Marxuum Cumar Carte Qaalib ayaa Ra’iisul Wasaare iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda kasoo noqday Dowladdii Milateriga ee uu hoggaaminayay Jaalle Maxamed Siyaad Barre, isagoona muddooyinkii ugu dambeeyay ku xanuunsanayay Magaalada Hargeysa oo ugu dambeeyn maanta uu ku geeryooday.