Baarlamaanka Puntland oo Ansixiyay Xeerka ilaalinta Af-Soomaaliga (VIDEO)

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland oo maanta yeeshay kulankoodii 14-aad ee Kalfadhiga 47-aad Golaha Wakiillada ayaa Ansixiyay Xeer Ilaalinta Af-Soomaaliga, kaas oo ay Golaha horgeysay  Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Dalxiiska, Hidaha iyo Dhaqanka Dowladda Puntland.

Kulanka Xildhibaanada oo ay soo xaadireen 37 Mudane, ayaa qodob-qodob looga dooday xeerka illaalinta Af-Soomaaliga, iyadoona ugu dambeyntii cod gacan-taag ah ay ku ogolaadeen 34 Mudane, cid diidayna ma jirin, waxaana ka aamustay 3 Xildhibaan.

Xeerka Ilaalinta Af-Soomaaliga ayaa faraya goobaha ganacsiga iyo dhamaan goobaha lagu qoro boorarka inay ku qortaan magac Af-soomaali ah, waxaana cidii ku xadgudubta xeer lagu ganaaxayaa 3,000,000 ilaa 15,000,000(Sadex Malyan ilaa shan iyo Toban milyan oo shillin soomaali ah.

Sidoo kale, Xeerka ayaa looga gol lee yahay badbaadinta iyo horumarinta Afka hooyo oo ah furaha aqoonta iyo horumarka, waxaana uu dhiiri-gelin siin doona dadaallada dhinacyada ku hawlan badbaadinta, horumarinta afka, nooleynta, kaydinta sooyaalka, hiddaha iyo dhaqanka suubban ee Soomaaliyeed.