Cali Guudlaawe oo la kulmay Wafti ka socda DFS (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe), oo uu wehlinayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Dabageed, ayaa Qasriga uu ka degan yahay Magaalada Jowhar ku qaabilay Wafdiga ka kooban Wasaaradda Arrimaha dastuurka, Guddiga Lasocodka Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Guddiga madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka.

Kulanka Madaxda iyo Waftiga Hay’adaha Dastuurka oo uu hogaaminayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dastuurka Maxamed Abuukar Zubayr ayaa looga hadlay aragtida Dowlad Gobaleedka Hirshabelle ee ku aadan qodobada dastuurka ee dib-u-eegista lagu sameeyay oo ay hay’adaha dastuurku soo dhammaystireen.

Sidoo kale, kulanka ayaa looga hadlay latashiyo badanna ay kala soo yeesheen Hay’adaha kala duwan ee dowlad goboleedka Hirshabelle, isagoona kusoo dhamaaday is-afgarad.

K