DEG-DEG: Rasaas teel-teel ah oo laga maqlayo Kampala

Wararka ka imaanaya Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Ugandha ayaa sheegaya dhawaqa rasaasta laga maqlayo gudaha magaalada.

Taageerayaal taabacsan Murashaxa u taagan qabashada xilka Madaxwaynaha Uganda Bobi Wine ayaa isugu soo baxay qaybo kamid ah jidadka caasimada kampala iyagoo ka caraysan xarig shalay loo gaystay murashax bobi wine.

Booliska ayaa isku dayaya iney kala eryaan taageerayaasha murashaxa iyagoo adeegsanaya rasaas iyo sunta dadka ka ilmaysiisa

Wali wax war ah kama soo bixin laamaha Amniga Uganda.