Farmaajo oo ka baaqday Xaflad uu uga qeyb-gali lahaa Tiyaatarka Qaranka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ka baaqday xaflad lagu qabtay Tiyaatarka Qaranka, taasoo loogu mahadcelinayay dadkii soo diyaariyay Manhajka waxbarashada Soomaaliya.

Ciidanka ilaalada Madaxtooyada ayaa Xalay xiray agagaarka tiyaatarka iyadoo saakayna dadka iyo gaadiidkaba loo diiday ilaa Isgoysyada, Boondheere, Jubba iyo agagaarka Dekadda Muqdisho.

Si rasmi ah looma oga sababta uu uga baaqday, hase yeeshee waxaa jiray sawiro iyo qoraalo qabsaday baraha Bulshada saacadihii hore ee saakay, kuwaas oo ku saabsanaa carruur saqiiro ah oo usoo lugeeyay Iskuulada markii loo xiray wadooyinka Madaxweynaha waxaana markii ay Iskuulkooda lug ku soo gareen celiyay ciidanka ilaalada Madaxweynaha.